Shirarkii Dhuusomareeb ee caawa oo guul darro ku soo idlaaday

Reading Time: < 1 minute[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Wararka aan ka heleyno xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay mar kale caawa u socday kulan kadib kulankii halkaas ku dhex-maray maalinamadii hore.

Waxaa goor dhow soo gabagaboobay kulankii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee caawa fiidkii soo bilowday, iyadoo laga hadlayay arrinta doorashada iyo qaabkii doorasho heshiis lagu yahay u dhici laheyd.

Doodaha oo ahaa kuwo aad u adag, ayaa la sheegayaa in lagu balamay in shirarka gaar gaarka ay sii socdaan, tan iyo inta la isaga soo dhowaanayo, iyadoo shirka weyn aanu berri furmi doonin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu muujinayo inuu xoogaa ka soo dabcay mowqifkisii adkaa ee ahaa qof & cod, isla markaana doonayo in waqti la siiyo oo aan la dedejin, shirarka gaar gaarka ahna sii socdaan inta farsamo ahaan wax la is waafajinayo.

Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.