Shir-weynaha beesha Xawaadle ee Nairobi oo galay maalintiisii labaad

Reading Time: 2 minutes

Shir-weynaha beesha Xawaadle oo lagu sheegay in looga  tashano danaha beesha ayna ka  soo qaybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, ayaa maalintii labagaad ka socda magalaada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Cabdiqaadir Sheikh Muumin oo ah guddoomiyaha jaaliyadda reer Hiiraan ee dalka Kenya ayaa sheegay, in shirkaan uu ku saabsan yahay aayo ka talinta beel-weynta Xawaadle, iyo sidii loo wajihi lahaa dagaalka gobolka Hiiraan iyo agagaarkiisa ka socda.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen kooxo aan isku aragti ahayn  kalana raacsan dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka soo bixi wayaan aragti mideysan. Waxaana macquul ah in laga fogaado in war laga soo saaro aratiyaha lagu kala duwan yahay oo lagu adkeysto oo kali ah aragtiyaha caamka ah.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay jaaliyadda Xawaadle ee Kenya inay door weyn ku leedahay dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay in hadda loo fadhiyo sidii dagaalkaas guul dhameystiran looga gaari lahaa.

“Waxaa lagu heshiiyay in gacmaha la is qabsado, midnimadana laga shaqeeyo. Ma ahayn shir lagu kala aragti duwanaa.” ayuu yiri guddoomiyaha Jaaliyadda beesha Xawaadle ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in galabta oo jimco ah shirkan lagasoo saari doono war murtiyeed, isagoo caddeeyay in aysan jirin madax kamid ah beesha oo ka maqnayd shirkan.

Wuxuu tilmaamay in meelo kala duwan la isaga kala yimid, loona midaysan yahay in Shabaab laga ciribiro gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa isna sheegay ujeeddada ugu weyn ee shirkan inuu yahay sidii loosii wadi lahaa dagaalka beesha Xawaadle kagasoo horjeedo kooxda Alshabaab, masiirkana beeshana loogu tashan lahaa.

“Midnimada reerka ayaa lagu adkaynayay. Khawaarijtana sidii loola dagaalami lahaa ayaa iyaduna ahayd talada ugu weyn ee la isugu yimid, maadaama aan 9 bilood dagaal ku jirno,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan waxaa kasoo qeyb galay Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka sare, madaxweynayaashii hore ee Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xildhibaano labada aqal katirsan, siyaasiyiin hore iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan.