Shir weeyne Caalami ah oo lagu qabanaayo Mareeykanka

Reading Time: < 1 minute

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Shirkaas ka dhaco Caasimadda dalka Poland ee Warsaw bisha soo socota ee Feberaayo 13-da ilaa 14-da.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Mayk Bombeeya oo la hadlay Telefishinka FOKIS ayaa sheegay inay Maraykanka qorsheynayaan Shirweyne Caalami ah  oo looga hadlayo Siyaasadda Dowladda Iiraan iyo  Deganaanshaha iyo Nabadda xaalladda Guud ee dalalka Bariga dhexe.

Waxa uu intaasi ku daray in Kulankaasi diirada lagu saari doono  Ammaanka iyo Xorriyadda Mandiqadda Bariga Dhexe iyo falalka Iiraan ee abuuri kara Deganaansho La’aanta.

Shirkaasi waxaa la filayaa inay ka so oqeyb galaan Wakiilo ka kala socda dalalka Caalamka si ay iskula eegaan Qalalaasaha ay Iiraan ka wadaan Gobalka, iyadoo uu Maamulka Madaxweyne Trump doonayo inay helaan qoddobo cadaadis lagu saari karo Dowladda Iiraan.