Shir u bilowday shanta maamul goboleed oo Muqdisho & Farmaajo oo wajahaya….

Reading Time: < 1 minute

Shir madaxeed u dhaxeeya madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka bilowday Airport Hotel ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiisyadda hogaamiyeyaasha maamuladda oo qoraalo kala duwan kasoo saarey kulankan ayaa si isku mid ah waxay u caddeeyeen in ajandahooda uu yahay xalka is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Kulankan ayaa ah natiijada kasoo baxdey dadaalo ay maalmihii u dambeeyay waday Beesha Caalamka kaasoo ujeedkiisu ahaa in ay shir gaar ah yeeshaan madaxda maamulada kahor kulanka guud.

Kahor kulankan, madaxda maamulada ayaa habeenimadii Khamiista isku arkay isla Airport Hotel, waxaana ay ku balameen shirkan maanta furmay, sida ay MOL u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow dhinacyada.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa horey u carqaladeeyay shir lagu wadday in galabnimadda Khamiista ay Muqdisho ku yeeshaan madaxda maamulada iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Sida ay muujinayaan xogaha, Farmaajo ayaa u ololeeyay in shirka kaliya ku koobnaado madaxda maamuladda, isaga oo doonayey in uu meesha ka saaro in loo arko in ay yihiin cidda haysata sharciyadda.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa todobaadyo degan Airport Hotel oo ku dhexyaala xerada Xalane halkaasoo ay u doorteen sababo dhanka ammaanka, sidda ay ku caddeeyeen qoraallo ay horey u soo saareen.