Kismaanyo: Shir qarsoodi sadax geesood ah oo dhex maray Sirdoonka Kenya iyo  Kheyre/Fahad (Xog Xassaasi ah)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta si qarsoodi ah ku yimid magaalada Kismaanyo Saraakiil sare oo ka socotay Sirdoonka Dalka Kenya isla maantana ka anbabaxay magalaada Kismaanyo. Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa aad iyo aad ugu da’daashay in  aan marnaba la ogaanin imaatinka saraakiishaas iyada oo xataa laga qariyay madaxda Amniga ee Jubbaland.

Dhanka kale waxaa sidoo kale caawa qadka taleefanka kuwada hadlay madaxa Sirdoonka  dalka Kenya iyo RW Kheyre iyo Fahad Yasin oo wada jooga.  Inkastoo aanan wali  na loo xaqiijin in kulankii caawa  uu qayb ka ahaa Madaxweyne Axmad Madoobe hadana  wararka aan helayno ayaa sheegayo in Axmad Madoobe si dadban uu qayb uga ahaa wadahadalka labada dhinac.

Kulan qadka teelfanka oo ahaa mid ku koobnaa daqiiqado aad u yar ayaa daba socday kulankii maanta uu RW Kheyre iyo Fahad kula qaateen saraakishii  Sirdoonka Kenya ee timid magaalada Kismaanyo. Saraakiisha maanta timid ayaa la qiyaasayaa in ay wadeen fartiin si gaar ah  ugu socotay RW Kheyre lana rabay in la soo gaarsiiyo RW Kheyre inta uu joogo magaalada Kismaanyo. Madaxa sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd safar kula jiray MW Uhuru Kenyatta oo ku sugnaa dalka Rwanda.

Kulanka qarsoodiga ahaa ee lala yeeshay  Saraakiisha Sirdoonka dalka Kenya ayaa ku soo beegmaya iyada oo RW Kheyre uu amar ku bixiyay in dhamaan wafdigii la socday isaga oo isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro ay dib u noqdaan Magaalada Muqadishu. Soo musaafurinta wafdiga iyo Imaatinka Sirdoonka Kenya ee magalaada Kismaanyo maxaa isku soo beegay?.

Dhanka kale kulankaan ayaa qabsoomay iyada oo maalin ka hor u Madaxweyne Farmaajo kulan kula yeeshay  magaalada Kampala Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya William Ruto.  MW Farmaajo ayaan marnaba laga wargalin dhaqdhaqaaqa Sirdoonka Kenya ay ka wadaan Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaanyo isaga oo waliba da’daal ugu jiro in uu difaaco qadiyadda Badda Soomaaliyeed.

Waxa muqaata in Dowlada Kenya  bilaawday qorsho ay ku soo dhaweysanayso RW Kheyre iyada oo la fogeynayo MW Farmaajo? Talaabadan ayaa waxa bu- bur u horseedaysaa dowlada hadda jirta oo dhibaatooyin badan hor taagan yihiin. Arimaha ay labada dhinac ka wada hadleen ayaa  dabasocda arimaha badda iyo taabaglinta go’aano uu RW Kheyre horay u soo balan qaaday iyo kuwa isaga horay loogu balan qaaday. Ma laga yabaaa in saraakiisha maanta timid ay keeneen lacag magalaada Kismaanyo? MOL waa ay ku daba jirtaan arimahaan..

Fahad Yaasiin ayaa waxa uu labo maalin ka hor ka yimid Dalka Suudaan halkaas uu kulamo gaar ah kula soo qaatay Madaxda Sirdoonka dalka Sudan . Dalka Suuaan ayaa horay Soomaaliya ugu soo diray  qurbaro oo uu horay u soo diray kuwaas oo haatan ku sugan Xarunta NISA iyo xarumo kale oo ay ku joogaan in ay yihiin macalimiin.  Fahad Yasin markii uu ka soo baxay dalka dalka Sudan waxa uu soo maray Itoobiya oo uu joogay maalin ka dibna waxaa uu halkaas ka soo qaaday Ethiopian Airlines.