Shir Madaxda Dowlada Iyo kuwa Maamul Goboleed yada uga furmay Baydhabo maxaa laga filan karaa?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galaya  Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ayaa gaaray shalay Magaalada Baydhabo, waxaana ilaa iyo xalay socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.