Shir looga hadlayo Arrimaha deyn-cafinta Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Nairobi waxaa maanta shir uga furmay Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliyi iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka iyo heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa.

“Waxa aan diiradda saaraynaa shirka, si aan wadajir uga shaqayno xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbal ka dhaw. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka nagala soo qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo kaqeyb galaya Shirka.