Iyada oo xaalada Amni ee magaalada Boosaaso ay ka soo darayso ayaa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Majiino) uu shir Gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari, oo xalay lagu qabtay Xafiska Duqa Degmada Bosaaso.
Dhanka kale, kulanka waxa goob joog ahaa dhamaan Gudiga Amniga Gobalka Bari, Sarakiil ka socotay Madaxtooyada Puntland Lataliyaasha Dhinaca Amniga Madaxweynaha dowlada Puntland.
Shirkaas ayaa waxa ka qeyblay Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso, Maamulka Gobolka Bari kan Degmada Bosaaso. Saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay kulankaan ayaa isla wadaagay latashiyo dhinaca amaniga ah,is looga shaqeeyo nabad galyada Magaalada iyo Guud ahaan Gobalka Bari.