Waxaa Maanta Magaalada Mandheera oo kutaalla Xaduudka gobolka Gedo uu la wadaago dalka Kenya ka furmay Shir sadex geesodka ah oo ku saabsan Amniga xuduudaha, kaas oo u dhaxeeya Madax ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Jubbaland Janeraal Dhumaal , Wasiirka arrimaha Gudaha Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Gedo halka Itoobiyo iyo Kenya Saraakiil ka socoto ay shirka goobjoog ka yihiin.
Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo adkeyn lahaa amniga xaduudaha u dhaxeeya dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxana Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya mas’uuliyiin ka socda ay shirka ka jeediyeen warbixin la xiriirta amniga xaduudka.
Dhinacyada shoraya ayaa sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan kulamo gaar gaar ah oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeeysa iyo sidii la isaga kaashan lahaa a dagaalanka Ururka Al-Shabaab.
Shirkaan Maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya uga furmay Magaalada Mandheera ayaa kusoo aadaya xilli weli aan wax xal ah laga gaarain arrinta Gobolka Gedo, isla markaana xaduudka Gobolka Gedo uu la wadaago Magaalada Mandheera ay ku sugan yihiin Ciidamadii ay geysay dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo ilaalinaya amniga xadka.