Shir looga arinsanayay bixida ciidanka AMISOM ee Somaaliya oo Muqadishu lagu qabtay

Iyada oo lagu dhawaaqay in qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ka bixi doonaan Soomaaliya ayaa waxaa walwal soo gaaray dowlada Soomaaliya oo uu amnigoodu ku tiirsan yahay ciidanka AMISOM.

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo ayaa  gudoomiyay shirk  Taliyeyaasha ciidanka. Mudane Simom ayaa ku amray in afarta maalmood oo uu socdo shirka ay   soo saaraan qorshe macquul ah oo la isku halleyn karo, isla markaana aan dib u dhac ku keeneyn guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha guud ee Ciidanka Amisom Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in howlgalladooda cusub, markan ay noqon doonaan kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha isla markaana hoos u dhiga Awoodda iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galeysa ayaa soo bandhigi doonta howlaha ay tahay in la qabto ka hor inta aysan bixin Ciidanka AMISOM, qorshaha amniga Soomaaliya loogu wareejinayo Ciidamada dowladda ee xilliga kala guurka iyo sida ay tahay in Shabaab gacantooda looga saaro dhamaan degmooyinka ay joogaan.

Arrimaha ugu horeeya ee tahay in la qabto shirka kaddib, ayaa ah shaqada 28-ka bishan ee dalka looga saaro Kun kamid ah Ciidanka Burundi, kuwaasoo laga soo qaadayo gobolka Sh.dhexe.

AMISOM waxaa ay sheegtay in qorshahan sidoo kale ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameeyo saldhigyada aagga hore ee difaaca, iyadoo la dhimayo Ciidanka jooga hayeeshee la hagaaginayo tayada saldhigyada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here