Shir lagu heshiisiinaayo Oromada iyo Soomaalida oo Addis Abba ka furmayo

Reading Time: < 1 minute

Warar la kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan dowlada degaanka Oromia iyo dowlada dhexe ee Fedaraalka Itoobiya.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa isku dhacyada u dhaxeeya soomaalida Iyo Oromada ee ka taagan xadka labada gobol ay wadaagaan oo bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar uu wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ka barakacay magaalada Moyale colaadii ka dhacday.