Sida qorshahu yahay todobaadka soo socda waxaa la filayaa inuu magaalada Baydhabo ka dhaco Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada
Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore u baaqday arrimo kala duwan, iyadoo shirkii February ka dhacay Muqdisho lagu go’aamiyay inuu Baydhabo ka dhaco dhamaadkii bishii March, balse uu u baaqday khilaafkii Baarlamaanka Federaalka.
Madaxda Maamul goboleedyada qaar ayaa la sheegay inay dalbadeen in qabsoomida shirka aan laga weecin Baydhabo, iyadoo uu jiray qorshe ah in Muqdisho isugu yimaadaan.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in shirka Baydhabo looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020.
Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka.