Shir Deg Deg ah oo Muqdisho uga bilowday Xildhibaanada & Madasha Musharaxiinta

Reading Time: < 1 minute

Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka bilowday kulan gaar ah oo u socda xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga musharaxiinta mucaaradka ah, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Kulankan oo aan hore loo shaacin ayaa si deg-deg ah ku qabsoomay, waxaana looga hadlayaa xaalada dalka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha, oo xukuumaddiisu isku dayeyso muddo kororsi ay ka soo horjeedan mucaaradka.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in Musharaxiinta mucaaradka ay xildhibaanada isku mowqifka yihiin kala hadlayaan qorshe la sheegay in uu Ra’iisal wasaare Rooble uu maalinta berri ah horgeyn doono Golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa berri hortagaya Baarlmaanka, isaga oo ka baaqday kulankii hore ugu balansanaa, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro qorshe uu ku codsanayo muddo kororsi, si loo qabto doorasho qof iyo cod ah.

Kulankaan ayaa waxa looga arrinsanayaa sidii meesha looga saari lahaa isku deyga ra’iisal wasaaraha iyo xaalada cakiran ee dalka oo meel xasaasiya mareysa iyo sidii dalka loogu diyaarin lahaa in aay Doorasho ka dhacdo.