Shir deg-deg ah oo la isugu yeeray golaha wasiirada ayaa lagu magacaabi doonaa taliyeyaal & wasiiro cusub

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa Ra’iisul wasaaraha ku amrey in uu shir deg deg ah uu isugu yeero Golaha wasiiradda Beri Subax 11:00 subaxnimo

Shirka deg deg ah oo lagu qabanayo amarka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid agandaha ama qodobada looga hadli doono ay soo diyaarisey madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa maalmahan si cad loo dareemayey in aysan isku wanaagsaneyn oo uu mugdi soo kala dhaxgaley, arimaha ugu weyn ee la isku heysteyna waxay ahaayeen Magacaabida labada taliye ee booliiska iyo Nabadsugida iyo ilaa 16 Safiir oo Madaxweynu damacsanaa in la Magacaabo lana mariyo Golaha wasiiradda.

Waxaan shirki ku jirin in go’aanada badanaba ka yimaada Madaxweynaha uu si toos ah ugu lug leeyahay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin taasoo ummada Soomaaliyeed dhibaato ku ah.

Dhan kale Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa aad uga xun sida ay wax u socdaan iyo amarka la dul dhigey oo ah feker shaqsiyadeed oo aan Dalka Soomaaliyeed xal u aheyn.

Sida aan xogta ku heleyno ummada Soomaaliyeed ayaa la yaabi doonta shaqsiyaadka beri la Magacaabi doono oo ah kuwo dembiyo waaweyn ka galey dalka iyo dadka, iyo aan sumcad ku laheyn bulshada soomaaliyeed dhaxdeeda.

Sida aay xogta ku heshay Muqdish Online ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo taliyah Booliiska Gen. Axmed Taajir oo aay qaraabo dhow yihiin agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin, waxaa sidoo kale la sheegay in Nabadsugidda Qaranka loo magacaabayo shaqsi aan weli la helin magacasiisa, balse la sheegay in uu ka iman doono dalka dibaddiisa.