Waxaa mudo ka badan saacad shir xasaasi ah ku wada jira Gudoomiye Mursal iyo Gudoomiye ku xigeen Cabdiwali. Kulankaan ayaa la xiriira shaqo ka joojinta lagu sameeyay labada taliye ku xigeen ee hay’adda NISA. Sida aan la wada socono labada taliya ku xigeen ayaa waxaa kaalin wayn ku lahaa shaqa siintooda Mursal iyo Cabdiwali. Labada gudoomiye ayaa waxa ay cadaadis ku saarayaan MW Farmaajo in uu labada taliye ku xigeen shaqadooda dib loogu soo celiyo. Waxaa shaki badan ku jiraa in MW Farmaajo ogolaan doono in labadaas taliye ku xigeen lagu soo celiyo shaqadooda.
Sida ay warar hoose ku heshay MOL, waxaa macquul ah in labada taliye iyo Agaasimaha Guud ba la wada ceyriyo si Farmaajo u haysto kalsoonida Gudoomiye mursal iyo Gud. Ku xigeen Cabdiwali. Dib ayaan idibkaaga soo sheegi doonaa wixii ka soo baxa shirkaas.