Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Karkaar

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Karkaar ayaa sheegaya in shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay tuulada Yakka ee Gobolkaas.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday afar kalena waa ku dhaawacmeen ladib markii laba gaari oo xamuul ah isku dhaceen.

Saraakiisha Ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland oo goobta gaaray ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay shilka.