Shil khasaare dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay dalcadda lagu magacaabo Rabaable waxaana ku dhintay laba nin halka ay ku dhaawacmeen nin iyo haweenay sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Taraafikada Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo maarkeed ah kana yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo.

Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaariga yar ee maarkadka sida ay sheegeen saraakiisha Taraafikada.