Shil Gaari oo Nuuca Xamuulka Qaada Ah oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Goor Dhaw Muqdisho Ka Dhacay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa shegaya in Gaari nooca Xamuulka qaado ah uu ku rogmaday inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea,isla markaana uu khasaaro ka dhashay.

Gaariga oo ah nooca Xamuulka qaada ayaa dad goobta shilka ka dhacay ku sugan waxa ay sheegeen in hoostiisa ay ku jiraan ilaa Saddex mootada Bajaajta loo yaqaano oo dad ay saaran yihiin.

ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeriyooday Shilkaasi,labo qof ,halka sidoo kale ay ku dhawacmeen ilaa iyo dhowr kale,welina waxa soconaya Gurmad ay wadaan Dad Shacab ah oo Goobta iskugu tagay kuwaas oo ku dadaalaya in ay toosiyaan Gaariga rogmaday