Shil gaari oo khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Burco

Reading Time: < 1 minute

Shil gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kadib markii gaari nooca raaxada ah uu ku fariin goostay Maqaayad ku taalla Magaaladaas. Darawalka waday gaariga oo xawaare sare ku socday ayaa lugta la waayay bareega, isla markaana xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku galay Maqaayad ay dad badan ku caweyaan, xiliga habeenkii ah oo ku taalla laamiga dhinaciisa.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal gaariga ayaa dulmaray laba wiil oo dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Maqaayada, isla markaana waxaa soo gaaray raggaas dhaawacyo culus, iyagoona loola cararay Isbitaalka Magaalada. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa durbo goobta uu shilka ka dhacay gaaray, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in la xiray darawalkii waday gaariga fariin goostay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!