Shil gaari oo khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Borame

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Boorame, Shil gaari ayaa  ka dhacay duleedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland.

Shilkaan ayaa la sheegyaaa in uu  geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaari nooca Baska iyo mid kale oo raaxa ah ay isku dhaceen oo ku socday xawaara sare, xili ay iskaga hor yimideen agagaarka Bar koontarool oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama.

Waxaa la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka ilaalada Boorama ee Somaliland Maxamed Nuur Qolombi.