Shil gaari oo khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku naf waayay saddex kalena, way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay magaalada Arabsiyo ee ku taala galbeedka magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

“Ciidanka dab-demiska Gabiley iyo cisbitaalka weyn ee Gabiley ayaa gurmad degdeg ah goobtaa ku gaadhay, waxaana maydkii iyo dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka Gabiley. Gaadhiga shilka galay ayaa noociisu ahaa gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Vitz” ayaa lagu yidhi qoraal lagu qoray boga Facebook ee ciidanka dab-damiska.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in ciidanku ay saddexda qof ee dhaawacmay oo meelo badan dhaawacyo ka qabay, ay gaadhsiiyeen isbitaalka wayn ee Gabilay halkaas oo hada lagu dabiibayo. Ciidamada booliiska ayaa baadhis ku haya sababta shilka dhalisay.