Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan Shil Gaari oo ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Shilkaa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Agagaarka Suuq bacaad Gaar ahaan Soomaalia Boosto waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Khasaaraha ayaa waxa uu gaarayaa dhaawaca labo ka mid ah oo saarnaa mid kamid ah Gawaarida isku dhacaday waxaana hada halkaa ka socda gurma dadkaa loogu gurmanayo.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa waxaa loola carary Mid ka mid ah Isbitaalada Degmada Yaaqshiid ku yaala waxaana halkaa lagu tacaalayaa xaladoda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here