Shil gaari ayaa ka dhacay magaalada Berbera, shilkaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Allah u naxariistee waxaa ku dhintay wiil 25 Jir ah oo lagu magacaabo Cabdalla Maxamad Jaamac. Shilka baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada berbera gaar ahaan tuulada Daray-godle ee degmada Berbera.
Ciidanka ayaa degdeg ugu baxay goobta shilka ka dhacay,baadigoobna u galay soo saarista maydka waxaana ciidanku Baadigoobkaa iyo soo baaristaasi marxuumka oo buundada ka dhacay ciid badanina dul fuushay darteed ku kasoo saareen.
Waxaa ciidanka Dabdemiska ee magaalada Berbera ku guuleysteen in gaariga uu saarnaa maydka marxuumkaa ay halkaas ka soo saaraan.