Shil gaari oo dhimasho geeysaty oo ka dhacay degaanka degmada Ceel’Afweyn

Reading Time: < 1 minute

Allaha u  naxariiste hal askari ayaa ku geeriyooday laba kalana way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay degaan u dhaxeeya degmada Ceel’Afweyn iyo degmada Darar’weyne.

Wararka kala duman ee ka imaanaya = degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in gaar ay wateen askar ka tirsan ciidanka booliska ee degmada Ceel Afweyn in uu  kula rogmaday.

Ciidanka ayaa wakhtigii gaadhigu la gaddoomay ku gudajiray hawlo ay ka fulinayeen degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag. Dhaawaca labada askari ayaa lageeyay cisbitaalka degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.