Shil gaari oo culus oo ka dhacay deegaanka Faratooyo-Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute
labo qof oo ku geeryooday Shil gaari oo ka dhacay deegaanka Faratooyo ee Gobolka Mudug. Gaari ay saarnaayeen dhalinyaro ku socday deegaanka Farjano ee gobolka nugaal oo ay doonayeen in ay iska diiwaangaliyaan ayaa ku rognaday deegaanka Faratooyo oo aan sidaa uga fogayn halka ay ku socdeen.
Shilka ayaa sababay dhimashada wiil iyo Gabar waxaana ku dhaawacmay 7 qof oo kale oo dhaawacyadooda lagula tacaalayo Galkacyo iyo Burtinle laamiga Burtinle iyo xafro oo dayactir lagu sameeyey ayaa waxaa soo badanaya shilalka baabuurta ee ka dhacaya.