Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ka dhacay Shil diyaaradeed.
Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kuwa shacabka ay raacaan oo taalay Garoonka Aadan Cadde.
Diyaarada Shilka sameysay ayaa xilligaas rabtay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Runwayga ee Parkinada ah ugu tagtay Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd, sidaasina shilka uu ku dhacay.
Sawirro laga soo qaaday Shilka diyaarada ayaa muujinaayay Baal ka mid ah Baalasha diyaarada oo si xun u bur buray.
Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ee Muqdisho, xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.
Labada Diyaaradood ee shilka galay ayaa waxaa ka daatay Shidaal badan oo ku jiray