Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

Wararka nagasoo garaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhabbaha diyaaraduhu kasoo degaan kana kacaan ee Garoonka ay ku soo dhacday diyaarad.

Diyaarada kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa  la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado,kadib markii ay luga u bixi waayeen.

Sidoo kale waxaa la xiray dhabbaha diyaaraduhu kasoo degaan kana kacaan ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in diyaarada soo dhacday wax dad  ah aysan la socon,isla markaana waxaa siday xamuul oo weli wax faah faahin laga bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here