Wararka ka imaanaya degaanka Warshiikh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay saakay shil baabuur oo aad u xun kaas oo yimid ka dib markii uu rogmaday gaari xamuul ahaa oo u socday tuulooyin ka tirsan Goblka Shabeelada Hoose.
Sida ay sheegayaan goobjoogaal gaariga rogamday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa TII AM . Degaanka oo ku gudoomiyay ayaa meel ku dhaw Tuuladda lagu magacaabo Gumaroow oo hoostagta Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka ku dhaqan deegaanka xeebta ayaa inta badan waxa ay gaadiid ahaan u isticmaalaan Gawaarida loo yaqaano TII AM oo ah gawaari kuy fiican maritaanka wadooyinak bacaadka ah.
Shilka ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac . Waxa la xaqiijiyay in ay halkaas ay ku dhinteen ilaa afar qof in ka badana shana ay ku dhaawacmeen.