Shiil gaari oo khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay Shil gaari , kaasi oo ka yimid, kadib markii uu is kedis ah u rogmaday gaarigaas oo ahaa nooca xamuulka qaada ee Soomaalida u taqaano BG-ga. Wararka ayaa sidoo kale sheegayaan in shilkaas uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Deegaanada ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Galgaduud, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro.

Sida la ogyahay laba ruux oo mid kamid ah uu yahay Darawalka ayaa dhaawac Culus uu kasoo gaaray shilkaas, waxaana dhaawacyada si deg deg ah looula cararay Xarum Caafimaad, si xaaladda caafimaad loogu dabiibo. Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga Biijiiga ahaa uu siday Shamiindo farabadan iyo qalab kale, isla markaana uu ku socday xawaare sare, uuna markii dambe ka baxay wadada, kadibna uu ku gadoomay laamiga dhinaciisa.