Shiil Gaari oo ka dhacay duleedka Magalaada Garowe

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 9 days
0 0 hours
5 8 minutes
2 8 seconds
Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magalaada Garowe, waxaa shil baabuur ka dhacay duleedka magalaada kaas oo keenay khasaare isugu jira  dhimasho iyo dhaawac.  Shil gaadiid ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Shire Dhogor-libaax oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Shilka uu yimid ka dib markii   gaadiid xamuul ah oo isku dhacay, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba qof, sidoo kale dhaawacyo ayaa la sheegay inay jiraan. Warbaahinta deegaanada Puntland ayaa ku soo warantay in shan gaari oo xamuul ah ay isku dhaceen, kuwaas oo burbur badan uu soo gaaray, sidoo kale hanti badan ayaa la sheegay inay ku khasaartay shilkaas.

Dhanka kale shilkaas  ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegay in meydadka dadkii ku dhintay ay xalay ku hoos hoydeen gaadiidkii la qogmaday oo ku fariistay. Saraakiil ka tirsan ilaalada waddooyinka Puntland ayaa saakay warbaahinta u sheegay inay gurmad u direen halka uu shilkaas ka dhacay.

Doorasho