Shiikh Sharif oo si toos ah ugu biiray Mucaaradka iyo Xildhibaanada Himilo oo dardar galiyay Mooshinka Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore Shiikh Sharif Shiikh Axmad oo bilihii u danbeeyay u muuqday mid gadaal ka taageerayay Mucaaradka ka soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii shalay ahayd cadaystay in hogaamiye u yahay Mucaaradaka ka soo horjeeda Dowlada.

Xildhibaan Khalif Cumar oo ka mida kooxda Himilo aya sheegay in Shiikh Sharif u yahay hogamiye isla markaana ay ka go’an tahay in MW Farmaajo laga qabto dalka. Xildhibaanka oo ku hadlaya magaca xisbiga Shiikh Sharif ayaa sheegay in aan dalka lagu fiirsan karin kalitalisnimada MW Farmaajo.

Labo bil ka hor ayaa ay ahayd markii Shiikh Sharif uu kula kulmay magalaada Jabuuti qaar ka mida xildhibaanada mucaaradka ku ah MW Farmaajo hogaankana u haya Mooshinka hadda ka yaalo MW Farmaajo.  Waxaana kulankaas la iskula gartay in la sameeyo xisbi uu isaga hogaanka u hayo.

Waxaa isa soo taraya kooxaha ka soo horjeedo MW Farmaajo iyo dowladiisa. Shiikh Sharif aya waxa uu horay u aruursaday dhamaan kooxihii horay ula shaqayn jiray MW Farmaajo. Shiikh Sharif ayaa hadda banaanka soo dhigtay mucaaradnimadiisc taas oo sii kordhinaysa culayska Farmaajo ku soo wajahan?