Shiikh Sharif oo qadiyadii umaadda Soomaaliyeed ku iibsaday $15,000 oo bishii la siiyo (Xog iyo Cadeymo)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmad ayaa waxa uu ka wadaa magaalada Nairobi kulamo qarsoodi ah kuwaas oo uu ku sheegay in uu ku soo dhisaayo xisbi cusub oo loogu magacdaray Himilo. Xisbigaan oo ay ku jiraan koox dhalainyaro oo ka tirsan baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa rajo ugu jirtaa in u lacag abur u sameeyn doono kooxdaas  taas oo ay marka danbe kula dagaalami doonaan kooxda Sheegato Nabad iyo Nolol.

Shiikh Sharif oo ay dhawaalahan danbe la soo daristay dhaqaale xumo oo salka ku haysa deymo kuwaas oo kor u dhaafayso $3 Milyan ayaa waxa uu xiriir qarsoodi la sameeystay kooxda Nabad iyo Nolol. Shiikh Sharif ayaa waxa loo qoray lacag bilo ah taas oo isaga bixin doono ijaarka guriga  iyo ciidanka waardiyaha ah ee u joogo Magaalada Muqadishu. $15,000 ayaa bilkastaa waxa lagu shubaa koonto uu ku leyeehay Salaama Bank waxaan si toosa u saxiixa bixinta lacagtaas Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Beyle. Dhanka kale dalalka Uganda iyo Imaaraadka ayaa siiyay magangalyo siyaasadeed  xaaasaskiisa  waxaana si ku meel gaar ah loo dajiyay guryo ay ijaarkooda bixiyaan wadamadaas.

Hadaba inta ay socotay mooshinkii laga waday MW Farmaajo, Shiikh Sharif waxa uu ku guuleystay in uu dhabar jabin ku sameeyo geedi socodka mooshinka  ka dib markii uu ku qanciyay kooxo isaga xiir la leh in ay ka baxaan saxiixa Mooshinka ama ay beeneeyaan in ay saxiixeen. Sababta uu arintaa u sameeyay ayaa ahayd ka dib markii MW Farmaajo ka codsaday in uu kaalin ka geystoburinta moshinka. Sababta ku kaliftay talabadaana waxa ay ahayd  ka dabib markii ay la soo daristay baqdin uu ka baqay in  Farmaajo ka joojiyo mushaarka bilaha ah ee lagu masruufo.

Dhanka kale asbuucaan ayaa qorshushu ahaa in uu Muqadoihu ku soo noqdo laakiin sida ay noo xaqiiiyeen howlwadeeno ku dhaw dhaw MW Farmaajo, Shiikh Sharif waxaa lagu wargaliyay in uusan imaanan Muqadishu xiligaan ilamaa amar danbe uu ka soo baxo xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa naxiib xumo ah in Shiikh Sharif Shiikh Axmad uu qadiyadii umaadda Soomaaliyeed ku iibsaday $15,000 oo bishii ka qaato Farmaajo. Mid ka mida howlwadeenii horay ula shaqeyn jiray Shiikh Sharif Shiikh Axmed ayaa u sheegay MOL in xildhibanada ama kooxaha hadda la joogo ay ku ajaran yihiin Shiikh Sharif. Waxa uu hadalkiisa ku daray “ tusaale waxa kaaga filan ma jiro hal qof oo kamida kooxihii horay ula shaqayn jiray Shiikh Sharif oo hadda la joogo. Waxaa uu hadalkiisa ku sii daray “kuwa hadda la joogo maalin cad ayuu ka dhaqaaqayaa hadii uu dan kale ka helo, waxaana shaki iiga jirin in ay soo taaban doonaan tunta runta ah ee  Shiikh Sharif ha ahaato mar dhaw ama mar dheer”