Shiikh Sharif oo lagu qasbay in uu beeniyo hadal ka soo yeeray ololahiisa

Reading Time: < 1 minute

Musharax Shiikh Sharif Shiikh Axamd ayaa beeniyay in uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa ama isaga ay u tanaasuleen Musharaxiinta ka soo jeeda beesha Mudulood sida uu ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Maalmahan danbe ayaa kooxo la shaqeeyo Shiikh Shariif waxa ay suuqa soo galiyeen in musharaxiinta Beesha Mudulood ay isaga u tanasuleen taas oo ahayd been ka fof xaqiiqda, lana doonaayay in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Sharif oo culyas ka soo wajahay beesha Mudulood ayaa  sheegay aanay jirin go’aan uu ku gaaray ka harista Loolanka Doorashada Soomaaliya, balse aragtidiisa Siyaasadeed ee la xiriirta in uu isku soo taago qabashada Xilka madaxweynaha Soomaaliya aanay is beddelin.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”  ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Sheekh Axmed

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba  kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar”.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo asteeyay 10-ka October 2021 inkasta oo ay suuragal tahay dib udhac ku yimaado maadaama habraaca jadwalka Doorashooyinka Labada Gole uu daah galay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!