Shiikh Sharif oo dhaqaalo la’aan awgeed uga hari doona tartanka Xildhibaanimada

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore Shiikh Sharif Shiikh Axmad ayaa laga yabaa inuu ka haro tartanka doorashada kursiga Xildhibaanimada ee beeshiisa, kaas oo uu in  mudo ah olole ugu jiray.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo cabsi ka qaba in Shiikh Sharif looga adkaado doorashada  kuriga beeshiisa ayaa go’aansaday in uu kursiga u xiro Shiikh Sharif.  Laakain Cala Guudlaawe ayaa u sheegay Shiikh Sharif in uusan isagu damaanad qaadi karin in kuriga uu qaato Shiikh Sharif.

“Kursiga beel ayaa iska leh, in beeshaas la qanciyo ma aha mid aniga  ii taalo, taasna waxa ay u baahan tahay dhaqaale iyo kala furfurid. Arintaas aniga eedeeda ma qaadi  karo, ee Shiikha ayaa laga rabaa in uu iska soo xaliyo”Sidaas waxa yiri Cali Guudlaawe oo la hadlaayay qaar kamida odoyaasha dhaqanka ee beesha Agoon yar.

Waxa  uu intaas ku daray “ Kursiga waxa aan kor u hayn karaa oo kaliya shan maalin oo maanta ka bilaabanayso, Shiikha waa la hadlay in uu deg deg u yimaado Jowhar, laakiin sababo aan fahmi waayay ayuu Jowhar uga dhuumanayaa”.

Shiikh Sharif oo dhaqaale xumo xumo la soo daristay ayaa ka leex-leexanaya in  uu doonto kursigii xildhibaanimo ee uu in  mudo olaola ugu jiray.  Si uu kursiga u helo waxa uu Shiikha ku qasban yahay in uu dhaqaale badan ku bixiyo si beeshiisa si buuxda ugu ogolaato in uu kursiga isaga qaato, beelihii xaga u lahaa dhaqaale lagu qanciyo.

Xogta ay helayso MOL ayaa sheegayo in laga yaabo in Shiikh Sharif uu ka haro tartanka doraashada xildhinaanimo ee loo asteeyey beeshiisa, isaga oo ilaashana sharfkiisa.