Shiikh Sharif oo dhaqaale iyo cod u waayay Adan Madoobe & Deni oo ka guuray

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhowrkii habeen ee u danbeeysay ka socotay magalaada Muqdisho olole loogu jiro xilalka gudoonka Baarlamaanka. Shiikh Sharif ayaa in mudo ah ka shqeeynayay sidii uu u dhisi lahaa Adan Madoobe.

Waxaa uu ku qanciyay Saciid Deni in uu taageero Adan Madoobe, marka danbana uu Adan Madoobe noqdo qof Saciid Deni u adeega. Saciid Deni ayaa habeenkii uu ka soo baxaayay Magalaadda Garowe  waxa uu sheegay madaxda Puntland in uu dhisayo Adan Madoobe.

Saciid Deni ayaa markii uu yimid magalaada Muqdisho waxa uu isku dayay in uu xildhibaanadiisa ku qanciyo inay taageeraan Adan Madoobe, laakiin waa ay ka hor yimaadeen iyaga oo sheegay inay xiligaan ayan dib u soo dooran karin nin soo ahaa dagaal ooge horay u soo fashilmay.

Dhanka kale Saciid Deni ayaa mar qura ku baraarugay in Shiikh Sharif in uusan gacan ku haynin wax ka badan shan cod-xildhibaan isla markana uu dhaqaale haba yaraatee uusan u haynin musharax Aadan Madoobe.

“ war hadii uusan dhaqaale u haynin, codna u haynin, maba garan karo sababya uu Shiikh Sharif uu ugu dhiirigalinayo  Aadan Madoobe in uu ka qaybgalo tartanka. Waxaa ceeb iigu filan inta magac xumo iga soo gaartay, sidaas darteed waan ka haray Adan Madoobe”, Sidaas waxaa yiri Saciid Deni oo la hadlayay la taliyayaashiisa.

Saciid Deni ayaa xalay u wareegay in uu taageero Musharax Sharif Maxamed Cabdullahi. Kulan uu xalay la yeeshay ayuuna u sheegay in uu diyaar u yahay in uu isaga taageero.

Shiikh Sharif oo in mudo ah been ku soo waday Adan Madoobe ayaa hada waxa banaanka timid in uusan lacag iyo cod toona u haynin Adan Madoodobe.   Saciid Deni oo horay u rumaysnaa in uu xakumo xildhibaanada reer Puntland ayaa dhankiisa u cadaatay in uusan gacan ku haynin xildhibaanada Puntland, wixii ay doonaana ay sameeyn doonaan.