Shiikh Shaakir oo uga digay Qoor Qoor in uu ka baxo heshiiskii lala galay Ahlusunna

Reading Time: < 1 minute

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac ayaa ka hadlay dagaalladii lagu hooobtay ee ka dhacay Guriceel iyo sababta rasmiga ah ay uga baxeen gudaha magaaladaasi.

Sheekh Shaakir ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay degmada Guriceel intii ay dagaalladu socdeen, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sababta ay dib uga baxeen magaalada Guriceel waxa uu ku sheegay inay ku timid, kadib codsi ka yimid ganacsatada, bulshada rayidka ah, Senataro iyo siyaasiyiin reer Galmudug ah, ayna aqbaleen, iyaga oo u turayo dadka iyo deegaankaba , sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay culimada, cuqaasha , ganacsatada , siyaasiyiinta , midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna shacbigeena,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray.

Shiikh Shaakir ayaa uga digay Qoor Qoor in uu  ka baxo heshiiskii lala galay Ahlu Sunna Wajameeca. Hadalka  Shiikh Shaakir ayaa waxaa la muuqday kalsooni. Waxaan muuqata in Ahlu Sunna ay dagaal toos ah ku qaadi doonto Dhuusamareeb hadii Qoor Qoor isku dayo in uu ka baxo heshiiskii ay ka soo shaqeeyeen waxgaradka reer Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!