DEGDEG: ASWJ oo ku eedeysay Kheyre balan ka baxyo iyo xadgudubyo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxmed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Xasan Kheyre uu ku sameeyay Al Sunna Wajameeca iyo reer Galmudug balan ka baxyo iyo xadgudubyo.

Qoraalka Shiikh Shaakir ayaa lagu  xusay lix balan kabax iyo xadgudubyo kuwaas oo ay ka mid yihiin; in uu Xasan Kheyre magacaabay taliyayaal aan ku jirin heshiiskii uu la galay ASWJ, Ciidamo cusub oo lagu soo gurayo Dhuusamareeb kuwaas oo aan qayb ka ahayn heshiiska, Ciidamo Ajanabi ah oo loo diyaarinayo in la keeno Dhuusamareeb, dhaq-dhaqaaq ciidan oo la doonayo in lagu qabsado degaano hoos yimaado AL Sunna,  dalacsiinta saraakiil ASWJ oo lagu balan furan …iyo eedaymo kale.

Xasan Kheyre oo lagu yaqaan balan furyo, been abuur iyo xadgudubyo aan loo meel dayin ayaa  durbadiiba ASWJ ka daba tagatay beentiisii. Waxa  muuqata in kalsoonidii labada dhinac  oo markeedii hore ku salaysnayd been iyo qaraayo ay god gasahay.

Halkaan ka aqriso qoraalka ka soo baxay hogaanka Al Sunna Wajameeca:

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/08/Heshiis-Galmudug-iyo-DFS.pdf” title=”Heshiis Galmudug iyo DFS”]