Sarkaal katirsan Ciidanka Uganda ayaa Warbaahinta u sheegay in Hay’adaha ammaanka ay toogteen Sheekh Maxamed Cabaas Kirevu oo ay ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay Kampala.
Toogashada Sheekha ayaa ka dhacday meel ka baxsan Magaalada Kampala oo ah halka qaraxyadu ay ka dhaceen, Ciidanka ayaa howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ku tagay goobta uu joogay oo aanay faah-faahin ka bixin Hay’adaha ammaanka.
Weerarada qaraxyada ah ee ka dhacay Kampala ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadka & Laamaha ammaanka Uganda oo faah-faahin ka bixiyay qaraxyadaas.
Qaraxyada waxaa sheegatay Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) oo ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ee Daacish (IS), Ciidamada ammaanka Uganda ayaa faajignaan dheeraad ah la geliyay.
Ciidanka Uganda u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” ayaa xiray in ka badan 20 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin Kooxda sheegatay Qaraxyada ka dhacay Kampala, waxaa xoogeystay howlgallada ay kawadaan Caasimadda Uganda.