Liiska xubnihii ka mid noqon lahaa wafdiga Madaxwayaha Farmaajo u raaci laha safarkii Suudaan ee uu haatan ka baaaqday ayaa waxaa ka mid ahaa Shiikh Bashiir Salaad madaxa koox diimeedka Ictisaam. Shiikh Bashir ayaa aad ugu dhaw Fahad Yasiin. Dad badan ayaa is wayndiinaya waqtiga uu shiikh Bashiir ku biiray Wasarrada Arimaha Dibada madaama uu ka mid noqday wafdigii loo qorsheeyay in ay ka qayb galaan shirkii IGAD. Qolooyinka wadaada ahaa ee sheeganayay in ay xaq ka hadlayaan ama uma ugu nasteexeeyaan kheyre shacabka ayaa waxaa loo qoray mushaar iyo in safaro loo kaxeeyo si ay u aamusaan. Waxaan shaki ku jirin in ay iibsadeen sharaftoodii iyo karamadoodii. Shiikh Nuur Baaruud oo meel laga galay lawaayay markii dowladii hore jirtay ayaa hadda qol isku soo xiray kana aamusan dhibak dhaacaya. Dowlada ayaa u qortay lacag $2,500 oo uu ka qaato magaca Wasaaradda Arimaha Gudaha.