Isaga oo ka hadlayay Shirki Amniga ee Magaalada Dhuusamareeb lagu so gaba gabayey ayu Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee degaannadiisa ka ciribtira Al-shabaab.
Waxaa uu Madaxa Xukuumadda Galmudug intaas ku daray in Galmudug ay dooneyso in ay noqoto maamul Goboleedka dadkiisa ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Sanadka 2020,intaas ka horna ay Al-shabaab ka saaraan degaannadooda.
Dadka degaannada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay doonayaan in ay ka billaabaan degaannada Galmudug.
h
Al shabaab aya deeganada maamulka galmudug kaga sugan qeybo ka mid ah,iyado shiiq shaakir uu diyarinayo ciidamo shabab ka saaro deganada ee kaga sugan maamulkoda.