Afhayeenka Shabab Cali Dheere oo madaxiisa lacag ladul dhigay

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa abaalmarin lacageed oo dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) duldhigay madaxa Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa ballan-qaadkan lacageed uga jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab, kaas oo ahaa in la dilo Cabdiladiif Sanyare.

Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in hadal uu dhawaan jeediyay ay fasiraad xun laga bixiyey, isagoo arrinkaas ku eedeeyey qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kadibna uu ku raacay Cali Dheere oo xugmiyey in la dilo guddoomiye Sanyare.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan tacsi ahaa oo Gaalkacyo loogu sameeyay saraakiishii dhawaan lagu dilay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.