Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mid ah Culimada Ahlusuna ayaa hadal layaab leh ka jeediyay kulan looga soo horjeeday Mooshinka laga keenay Madaxweynaha, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Dallada Ururada Bulshada Rayidka EX Banaadir.
Kulankan oo ahaa qado ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiin, Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo La taliyaha Madaxweynaha Sheekh Cali Wajiis.
Sheekh Soomow aya mar kaliya jawiga goobta bedelay, isagoo sheegay in haddii Mooshinka sharci darro yahay meesha laga saaro, haddii sharci yahay oo shuruucda dalka ku fadhiyana looga baahan yahay in Madaxweynuhu aqbalo oo uu hortago Baarlamaanka.
“Waxaan Baarlamaanka ka rabnaa Mooshinku hadduu yahay Mooshin jaban hanaga dhaafaan, mooshin aan sababeysneyn hadduu yahay oo shuruucda dalka ku fadhin hanaga dhaafaan, haddii uu dhameystiran yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu u rabo haloogu hoggaansamo, Madaxweynuhuna ha tago, waxaa aaminsanahay shalay dadkii doortay berri waa dooranayan Madaxweynuhu ee ha tago, shalay Ra’iisul Wasaaraha Britain Xisbigeeda ayaa mooshin laga keenay, Baarlamaanka ayay tagtay, waana guuleysatay, Madaxweynuhu hadduu Baarlamaanka tago waa guuleysanaa, shacabka Soomaaliyeed ayaa taageersan”ayuu yiri Sheekh Soomow.
Sheekh C/qaadir Soomow ayaa soo jeediyay in aan qalad la sameyn oo aan Madaxweynaha laga dhigin nin sharciga diidan oo Baarlamaanka duminaya, loona baahan yahay inuu garbaxo oo uu Baarlamaanka tago.
“Yaa qalad la sameyn oo madaxweynaha nin sharciga diidan laga dhigin oo baarlamaanka duminaya yaa laga dhigin, aan ku dhiira gelino in Madaxweynaha baarlamanka tago, oo gar baxo baarlamaanow idinkana gardaro ha sameynin”ayuu yiri Sheekh Soomow oo mar kaliya jawiga goobta bedelay, sacab iyo sawaxan is qabsaday.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda inay ogolaato isla xisaabtanka, isla markaana aanay caburin Baarlamaanka, isagoo xusay in shalay Ra’iisul Wasaaraha uu caddeeyay in la xisaabtanka uu ogol yahay, lagana doonayo in taasi ogolaadaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay kulamo abaabulan oo looga soo horjeedo Mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay Madaxweynaha, kulamada oo u badnaa kuwo qado ayaa waxaa yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo siyaasiyiinta,