Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
176 days
03 hours
20 minutes
58 seconds

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda doorashada Soomaaliya.

Shariif Waxaa uu sheegay in aysan muuqan wax diyaar garow ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya, islamarkaana Madaxda dalka joogta aysan u muuqan kuwo doonaya in doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacdo lagu qabto dalka.

Waxaa uu tilmaamay in Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe ku aadan sidii loo helaa doorasho dalka lagu samatabixin karo.
“waa naga diyaar in aan talo aan siino madaxda dowlada laakiin iyada ha ogalaato in ay la fariisato saamileyda siyaasada si doorashada dalka ka dhaceysa loo jiheeyo.

Waxaa uu intaasi kusii daray”si loo diyaariyo doorashada dowlada ha sameyso dib u heshiin guud ahaan hay,adaha dowlada ah sidaas ayayna doorasho ku dhici kartaa ”ayuu yiri madaxwey ihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran.
Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusaayay 1 July oo ku beegan maalintii goboladda Koofurta iyo Waqooyiga ay midoobeen.