Sheekh Sharif oo dadaal ugu jira in uu badbaadiyo kursiga Fahad Yasin

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in deg deg loo xaliyo tabashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku aadan saddexda kursi ee xildhibaan ee guddiga doorashadu ka xayiray. 

Ujeedka Sharif Sheekh Axmed aya lagu sheegay in uu yahay in uu xusul duub ugu jiro sidii uu u badbaadin lahaa kursiga Fahad Yasin oo ka mid ah kuraasta la rabo in dib loogu noqdo Doorashadiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Shariif

Ugu horreyntii waxaan bogaadinaayaa shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka taas oo ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.

Dhanka kale waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda. 

Sida la ogsoon yahay, doorashooyinku waxay soo mareen caqabado fara badan oo keeni karay burbur, hadana mar walba waxaa looga soo gudbayey wada hadal, is fahan iyo isu tanaasul. Khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin wuxuu keeni karaa in lagu fashilmo qabashada doorashada, waxaana ka dhalan kara natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda.

Sidaas darteed waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo.