Sheekh Shaakir oo war kasoo saaray Warqadii kasoo baxday Wasaarada arimaha Gudaha Soomaalia

Reading Time: < 1 minute

Madaxa Xukumad Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Hassan  ayaa waxa uu kahadlay Warqadii kasoo baxday Wasaarada arimaha Gudaha oo lagu soo afjaray Khilaafkii Dowlada iyo Maamulka Ahlusunna Waljameeca.

Sheekh Shaakir ayaa waxa uu sheegay kadib qoraal uu soo qoray in ay soo dhaweynayaan madaxda Ahlusunna Warqada kasoo baxda Wasaarada arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaalia.

Warqadaa ayaa waxaa lagu soo afjaray Khilaaf soo jiitamayay waayihi dambe kaasoo curyaamiyay Howlihii Galmudug waaxana rajo wanaagsan laga muujinayaa in ladhiso Galmudug Midaysan oo loo dhanyahay.

Sikastaba Maamulka Ahlusunna ayaa markoodii hore waxa ay ku doodayeen in lasiiyo 30 xubnood oo katirsan Golaha Wakiilada Galmudug hasayeeshee wadahalo Dheer kadib waxaa laysla gartay in Ahlusunna tabashadooda lagu xaliyo 20 Xildhibaan taa oo ugu dambayn hirgasahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!