Sheekh Shaakir oo Dowladda ku dhaliilay in Xubo Shabaab ah Dhuusa-mareeb ay gaynayso

Reading Time: < 1 minute

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lahadlayay Laanta Afka Soomaaliaga ee BBC ayaa waxa uu Dowladda Dhexe ee Soomaalia uu ku ee deeyay in ay doonayso in deegaanada Maamulka Galmudug ay geeyso xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxa uu dowlada ku dhaliilay in Magaalada Dhuusa-mareeb ay ka dhistay Xaafad Xamar ka mid ah arintaa ayaa waxa uu sicad u sheegay in ay tahay inrin aanan la aqbali karin Dowladunna ay ku soo duushay Galmudug.

Xaalada Maamulka Galmudug ayaa kacsan waxaan Dowladu ay qaadanaysaa eedaha ugu badan ee ka imaanaya dhanka Shacabka iyo Siyaasiyiinta reer galmudug mana muuqato ilaa iyo hada hanaan cad oo lagu dhisayo Galmudug midaysan oo loo dhanyahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!