Sheekh Sh. Sheekh Muxuyidiin Celi oo magalaada Muqdisho ku geeriyooday

Reading Time: < 1 minute

Allah ha u naxariisto, waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeryooday Sheekh Shariif Sheekh Muxuyidiin Celi, kaas oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaamka.

Geerida marxuumka, waxaa ka tacsiyeeyay masuuliyiin kale duwan oo xilal kasoo qabtay dalka iyo kuwa hada haya, kuwaas oo sheekha ku sifeeyay in uu ahaa Caalim Soomaaliyeed oo muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaamka.