Sheekh Maxamed Shaakir oo ku baaqay in si deg deg ah logu Gurmado Shacbka Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Iyado dhawanahan ay Magalada Baladweyne ka taagneed Xaalad Fatahaad ah oo wabiga biyuhiisu ay ku fataheyn gabi ahanba magalada aya waxa halkasi ka taagan xaalad nolol oo adag madama dadka halkasi ku nol ay ku dhufteen Daadad sababay in dadkii ay Magaalada ka barakacaan.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay in Gurmad lala gaaro dadka ku dhibaateysan Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi.

Waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne.

Waxa uu sheegay in dhamaman ay Garoomadda Galmudug ay u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, islamarkaana Galmudug ay gaarsiin doonto Gargaarkaasi dadka dhibaateysan Maadaama ay biyo Fadhiisteen Garoonkii weynaa ee Beledweyne.

Baladweyne aya waxa ka jira xaalad halis ah iyado aysan jirin dhaqdhaqaaq ka imanaya Madaxda sare ee dalka iyado an dadkasi weli ficil muuqda lo sameynin.