Sheekh Maxamed Garyare oo Raba inay Ictizaam Aqbasho.

Reading Time: 2 minutes

Urur Dimeedka Al-islaax Qarnul Afriqiya waxaa la asaasay Julay 1978, waxayna mabd’a ahaan ku abtirsadaan Ikhwaanul Muslimiinta Masar. Ururka markii la asaasay waxaa gudoomiye looga dhigay Sh Maxamed Axmed Garyare, waxaanu hayey muddo dheer oo 12 sano ah xilkaas. Ururka waxaa uu soo saaray bayaan 1989 oo kaga codsaday Maxamed Siyaad inuu is casilo.

Qorshaha iyo ujeeddooynka ururka ayaa waxaa hadda ka hor ka hadlay Xubin Muhiim ah oo uruka ka tirsan Maxamed Cumar oo u warramay qoraaga Buugga Kobocii Islaamiyiinta Somaliya ahn Cabdishakuur Mire Aden Cobol kaas oo yiri: “Al-islaax waa urur siyaasi ah oo doonaya inuu qabto hogaanka siyaasadeed ee dalka … waana inuu diyaarsadaa Kaadir”
Haddaba islaax iyadoo waddadaas ku taagan ayaa waxaa talada laga qaday, masarna la eryey Sh Maxamed Garyare oo Kanada u cararay tasina waxay keentay in ururka yeesho laamo kala duwan oo afkoodu furan yahay waxayna bilaabeen in ay dib ugu noqdaan qorsho u yaallay kaasoo ahaa inay la wareegaan tacliinta waxayna fureen Jaamacadaha Muqdisho iyo Banaadir.

Waxaasa ururka dhib u keenay dhallinyaro ka gadoodday qaabka ururka ay u wadeen odayaasha waxay soo jeediyeen in la casriyeeyo oo laga dhigo urur la jaanqaadi karo siyaasadaha caalamka ka jira. Waxaa markaas ururka ka falliirmay garab la baxay dhiigga Cusub Somaliduna u taqaanno Damjadiid.

Inta badan Damjadiid waa lagu khaldamaa waxaana loo tiiriyaa rag waaweyn oo aan ururka weligood ka mid noqon laakiin mashaariic waxbarsho la fuliyey rag Damjadiid ka tirsan waxaana ka mid ah ragga tuhumada qaldan la saaro Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud balse sida uu sheegay weligiis kama mid noqon urur diimeed.
Haddaba waa Maxay carada xoogga leh ee haysa Sh Garyare ? Sheekha hogaankii ururka waa laga xayuubiyey, ururka weyn ee caalamiga ah Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsanaana waa laga saaray. Haddana waxaa uu u ciil qabaa dhallinyaradii ku baaqday in Alislaax la casriyeeyo kadibna xoolo badan ka tacbaday isaggana uu ka arradan yahay oo uu Kanada qaxooti ku yahay.

Wareysi uu siiyey Wadaadka Jibuutiyaanka ee dibad joogga ah sidiisa oo la yiraahdo Sh Cabduraxman Bashiir ayuu sheekh Garyare ku muujiyey in la socodka Siyaasadda Somaliya ay ugu dambeysay 4 sano iyo 8 bilood ka hor oo weli uu joogo halkii Farmajo lagu doortay 2017. Waayo mar la weydiiyey dalka yaa hadda u dan ah ayuu wuxuu ku sheegay in Farmajo uu yahay shakhsiga ugu haboon inuu dalka hogaamiyo taas oo tusineysa inuu ka dhacsan yahay waxa Somaliya ka jira.

Laakiin da’da waa xaasid oo xusuusta ayaa laga yaabaa iney is dhintay maadaama uu yahay da’ 86 sano ku dhow waana sababta hadda keeneysa inuu ku haray halkii Farmajo lagu doortay oo loo bannaanbaxay balse maanta aad loo karhay oo cid waliba ay jeclaan lahayn inay aragto isagoo Farmajo laga gooynayo dunuubtii shacbiga uu ka galay
Sidaas darted Sh Maxamed Garyare waxaa uu hadda ku sugan yahay dalka Kanada oo uu waayeel ku yahay oo lagu xanaaneeyaa, wuxuuna u muuqdaa inuu u gurguuranayo inay Ictizaam aqbasho. Waxaan rabbi uga baryeynaa inuu rabbi u dhaafo wixii ka dhacay ee gef ah, maadaama uu culumadeena ka mid ahaa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!