Sheekh Cali Warsame Xasan oo Ku Geeriyooday Dalka Jordan. Allah ha u Naxariistoc.

Reading Time: < 1 minute
Waxaa dalka Jordan ku Sheekh Cali Warsame oo ahaa mid ka mid culimada ugu waaweyn geeska Afrika. Sheekh Cali waxaa uu ahaa Hogaamiyihii ugu horeeyay iyo aasaasihii ururkii  al-itixaad al islaami,ururkaas oo ahaa kii ugu waynaa ururada diiniga ah ee ka hana qaaday geeska afrika, waxaana ka farcamay ururro kale oo Ilaa maanta dalka ka jira Sida Ictizam.
SheikhCcali Warsame Xasan waxa uu ku dhashay miyiga degmada caynaba ku dhawaad 1940 kii isagoo kusoo bar baaray illaa dhawr iyo toban jirkiisii halkaas. Meelo kala duwan ayuu u tagay barshada diibta islaamka, ugu dambeynna waxaa uu ku soo noqday Dalka Somaliya oo uu ka wady faafinta diinta.
• Dacwaddiisii Diinta
Waxa uu si toos ah u bilaabay dacwadda markii uu jaamacad soo dhameeyay sannadkii 1980 kii isagoo bilawgii dacwadda fidinta diinta Islamka. Muddo aad uban oo lagu qiyaaso 40 sanno ayuu sheekh Cali ka shaqaynta diinta iyo dacwadda ku dhex jiray walina waa uuu waday isagoo casharo, kutub, muxaadirooyin, nadwooyin aad iyo aad u badan kaga qayb qaatay kor u qaadida diinta islaamka.
Sidoo kale waxa lagu xasuustaa sheikh Cali oo aan marna la ilaawi karayn inuu ka mid ahaa ragii aasaasay dhidibadana u taagay jamaacada Burco.Waxa uu macalin ka ahaa jamacadda Burco in mudo ah sidoo kale waxa uu macalin ka yahay hadda jaamacadda an-najaax.
Sheekha Waxaa tii Rabbi u timid Xalay 28/05/2022. Waxaan ugu duceyneynaa inuu Janno  ugu deeqo Allihii abuurtay ee haddana oofsaday. Amiin.